Dagaalka Maamulada & Beelaha ( Daliil ) Abdirahman, November 30, 2023December 6, 2023 : الحمد لله والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه، أما بعـد ﷽ Dagaalada Qabyaalada Eee La isu Laynayo Reeraha Sida Hada waxa taagan Ama La isu laynayo maamulada Anaa Ka Talinaya Halkan iyo Anaa ka Talinaya, waa dagaal aan shareecada ku bannaanayn oo xaaraan ah waa dagaal aan shareecada ku banaanayn dhiiga muslimkuna xurmuu leeyahay. In la daadiyaa ma banaana Qolana Qolada kale xalaal uma aha inay markaa layaan dhiigoodu uma banaana Waa mid xaaraan ka aha cidkasta oo ka qayb qaadataana waxay ka qayb qaadanaysaa yacnii dhiiga muslimiinta iyo dilka muslimiinta ayay ka qayb qaadanaysaa xaaraan iyo danbi ayayna ku jirtaa. Wiciidada iyo goodiyada ku soo aroorayna waynu gara naynaa , Oo Alle wayne Wuxuu yidhi: ” Qof kasta oo Dila Qof Muumina Si Badheedha Abaal marintiisu Waa jahanaba oo uu ku waaraayo,Allena waa nacdalay, waanu u cadhooday Cadaab wayna waa u sugnaaday “ Waa Shan Arimood Yacnii Kala Daran ayaa loo balan qaaday waa waciid daran weeye Hada Qof kaliya qofka dila weeye. Bal ka waran qofka casharaad iyo tobanaan dilaya Ama Boqolaal dilaya ama kii la dilaba ku faraxaya , hada maaragtaa Qofku inuu cid ku caawiyaa uma banaana inuu ka qayb qaataa uma banaana inuu ku farxaa uma banaana. Haduu ku farxo yacnii qof muslima oo la dilay ama dad muslimiina oo la laayay Wuxuu noqonayaa danbigii waa ku jiraa ” الرض ولفاعل سوا” Midka ka Raalidaa iyo ka sameeyay waa isku mid ka diyaaryay ee ka qayb qaatay yacnii sharkii waa ka qayb qaatay : وَلَا تَعَاوَنُوا۟ عَلَى ٱلْإِثْمِ وَٱلْعُدْوَٰنِ ۚ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ ۖ إِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلْعِقَابِ ” Ha isu kaashanina danbiga iyo xad gudubka ha isu kaal maysanina , Ilaahayna ka cabsada Ilaahay waa ciqaab darane .”` Xaga jihaadka waxaynu garanaynaa Qofka diyaariyay inuu la mid ahaa Qofka dagaalamay ee jihaaday , waxa la mida kii isaguna dagaalka fitinada ah diyaariyay ee hubeeyayna isaguna waa la dagaalamay Dagaalkaana waa ka qayb galay. sida kii jihaadka diyaariya uu uga qayb qaatay jihaadkaa ayaa isna ka fitnada diyaarinaya ee caawinaya ee hubkeeda diyaarinaya , ee ku kaalmaynaya qof muslima in la dilo isaguna uu yahay qof muslimka dilkiisii ka qaby qaatay. Dadka qaarbaa odhanaya Alxamdulilaah anigu waligay dhiig muslim ma Gelin , hadana isagoo sidaa leh ayuu hadana dad muslimiina oo la laynayo lahaa baga oo ku farxayay beentii weeye markuu leeyahay dhiig muslim ma gelin, dad badan oo muslimiina buu qabaa . Faraxa uu ku farxayo dadka muslimiintaa ee la laynayo waxay la mid tahay inuu isagu la yimi oo uu sameeyay ka ka raalida ah iyo ka sameeyay waa isku mid. Nabi saalax hashiisii Hal qofbaa dilay ilaahay muxuu u tiiriyay qoomkii buu u tiiriyay waayo raali bay ka ahaayeen in la dilo. ” Waxay ugu dhawaaqeen saaxiibadood hashiina waanu dilay ” ” markuu tegay koodii xumaa si uu hasha u dilo “ Hal Qofbuu Ahaa laakiin waa kii ugu shaqinimada badnaa: Hadana macaa daalika ilaahay muxuu yidhi “فعقروها” Hashii bay boqmo gooyeen oo dileen qoomkii oo dhanbaa loo tiiriyay , “فعقروها” wowgani waaxay waa woow bi jamaaca yacnii qoomkoo dhanbaa loo tiirinayaa maxaa looogu tiirinayaa : Culimadu waxay yidhaahdeen Hal qof ha fuliyo’e raali bay ka ahaayeen inta kalena maadaama ay ka raali ahaayeen waxay ka dhigan tahay inay wada sameeyeen waana qaacida sharciya: ” الرض ولفاعل سوا” , ka ka raalida ah iyo ka sameeyay waa isku mid . markaa kuwa fadhi ku dirirka ah ee iyagu goobaha aan tegin ee makhaayadaha iyo meelahaa la isugu yimaado iyaguna dagaalka kaga jira ee ku farxaaya dadka muslimiinta ah in la laayo in dagaalka la wado ,cida odhanaysa ha la joojiyo ama nabad marka la is yidhaahdo ha la raadiyo dhaleecaynaysa wuxuu ka mid yahay dadka denbiga wayn ku jira ee dagaalamaya ayay kamid yihiin cida fitnada ku jirta ayay ka mid yihiin. fitnada in la baqtiiyaa muhiim ah in laga fogaado ayaa muhiim ah, markaan la baqtiin karayn waa in laga durkaa laga dheeraadaa. qofka markaa gacan ahaan ugu jira ama xoolo ahaan ugu jira ama talo ahaan ugu jira ee in la wado markaa doonayaa waxuu noqonayaa mid fitnadii ka qayb qaadanaya. markaa fitnada ha laga fogaado ha laga dheeraado dhiiga muslimkana yaan lagu farxin. yacnii muslimiintu waxa weeye inay is laayaan khayr kuma jiro , iyagaa is maciifinaya cadowgoodii isu jabinaya. Yancii waxa weeye: “أُكلت يوم أكل الثور الأبيض ” hadii waxa weeye maalin walba ay is cunaan oo is laayaan oo iyagii is riiqiyaan oo iyagi is liciifiyaan oo geesiyadoodii mid waliba ka kale laayo oo mid waliba dhalinyaradoodii kuwa kale laayo yacnii hadhow cadawgii gaalaad yaa u jooga yaana ka celinaaya? waxaa la yidhaahdaahdaa “أُكلت يوم أكل الثور الأبيض ” waxaa la i cunay maalintii dibigii cadaa la cunay , qiso xikmadi ku jirto ayaa la sheegay qisadaasi waxay tahay : Waxa la yidhi sadex Dibi Baa joogay meel bay joogeen oo ay iska daaqi jireen dibi cad ,dibi cas iyo dibi madaw Sadexdaa dibi siday u wada joogeen waxaa la yidhaahdaa libaax baa markaa u yimi kadibna markaa dibiyadi waa la dagaalameen dabadeed wuxuu arkay in markaa dibiyadu ay iska celinayaan. Dabeed markaa wuxuu u yimi kii cadaa mooyee kuwii kale kii casaa iyo kii madowaa marka wuxuu yidhi dibigan cad waa ina fashilinyaaa muuqiisa meel fogbaa laga arkayaa isaga midabkiisu ma cada labada kalena midabkiisu ma cada, markaa meel fogbaa laga arkayaa’e cadawguna isaguu inagu soo eeganayaa’e ii daaya aan dilee si aan la inoogu soo bidhaansan. Halkaa markii ay maraysay waayahay bay yidhaahdeen wayna ku waafaqeen dibigii buu cunay , hadalbaa markaa lagula baxayay waa misaal ama xikmad , dibigii markuu cunay ayaa waxaa soo hadhay markaa dibigii casaa iyo kii madawaa. markaasaa waxa uu hadana u yimi dibigii midabkiisu madawaa wuxuuna ku yidhi dibigani midab kaygana waa ka duwan yahay kaagana waa ka duwan yahay ee ii daa isagana aan cunee . halkaa waxaa ku soo hadhay isaga iyo dibigii madawaa maalintii sadexaad ayuu u yimi oo ku yidhi inaga ayaa isku soo hadhnay. markaas ayuu dhawaaqay dibigii madawaa isga oo leh ” أُكلت يوم أكل الثور الأبيض ” Waxa la i cunay maalintii dibigii cadaa la cunay waa kii ugu horeeyay’e , yacnii waxaan jabay maalintaas ayaan jabay . markaa waxa weeye dadka muslimiintaa ee is dilaya ee is cunaya ee is liciifinaya waxa weeye cadawgii ayay isu jabinayaaan gaaladina waa soo miliqsanaysaa . waa taa hada itoobiya ay leedahay waxaan doonaynaa dekedahan inaan wax qaadano ayaan doonaynaa iyagoo leh bada cas dekedaha ku yaala ilaw iyo ilaw waa in aanu nasiibkayaga ka helaa ama heshiis ku helaa ama xoog ku helaa. hadii la is cuno oo waxa weeye la is laciifiyo hadhow cadawga gaalaad sidee baynu isaga celin yacnii waxa weeye cida markaa soo hadhayna soo hadhaw la cuni maayo. waar hooy caqli ha la keeno oo ilaahay ha laga baqo oo fitnada ha laga dheeraado oo ha laga fogaado yacnii markaa dhiiga muslimku yacni waxa weeye dhibaato ayuu xanbaarsan yahay waana danbi wayn weeye halaga fogaado aad iyo aadna ha la isaga ilaaliyo yacnii ha laga shaqeeyo khayrka iyo wanaaga iyo nabada ha laga shaqeeyo. N.B muxaadirada waxaa jeediyay sheikh: Abdikarim Hassan xoosh Halkan Ka daawo wacdiga : Facebook WhatsApp Aqoon Guud