qiso ku cibro qaadasho mudan 2 Nin oo muslim ahaa oo dhintay Abdirahman, February 6, 2024February 17, 2024 الحمد لله رب العالمين، والعاقبة للمتقين، ولا عدوان إلا على الظالمين، وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له أما بعد ﷽ Ilaahay Wuxuu Ku yidhi Nabigeenii muxamed ﷺ . [الأعراف:176]{فَاقْصُصِ الْقَصَصَ لَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ} Uga Sheekee oo uga waran qisooyinka hortood dhacay si ay uga fekiraan oo ay ugu cibro qaataan , Nabi muxamed ﷺ isaga oo u hogaansamaya Amarkaa ilaahay wuxuu umadiisa u sheegay qisooyin badan , oo uu ka sheegay umadahii Hore . Qisooyinkaas oo xanbaarsan cibrooyin wax lagu qaato isla markaana tusinaya casharo iyo Duruus Qofka muslimka ah Noloshiisa raad ku yeelanaya. Waxaa Ka mida Qisooyinkaas Ta uu Nabiga ﷺ Ka weriyay Abu-hurayra رضي الله عنه , Wuxuu Yidhi Nabigu ﷺ.: و لفظه عند أبى داود من حديث أبى هريرة قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول ” كان رجلان في بني إسرائيل متواخيين فكان أحدهما يذنب والآخر مجتهد في العبادة فكان لا يزال المجتهد يرى الآخر على الذنب فيقول أقصر فوجده يوما على ذنب فقال له أقصر فقال خلني وربي أبعثت علي رقيبا؟ فقال والله لا يغفر الله لك أو لا يدخلك الله الجنة فقبض أرواحهما فاجتمعا عند رب العالمين فقال لهذا المجتهد أكنت بي عالما؟ أو كنت على ما في يدي قادرا؟ وقال للمذنب اذهب فادخل الجنة برحمتي وقال للآخر اذهبوا به إلى النار قال أبو هريرة والذي نفسي بيده لتكلم بكلمة أوبقت (أهلكت) دنياه وآخرته. Reer Binu-israaiil Waxaa ka mid ahaa laba nin oo iska soo horjeeday Xaga Qasdiga Iyo xaga camalka labadaba . midkood wuxuu ahaa mid danbaaba oo ilaahay caasiya swt , ka kalena wuxuu ahaa mid cibaadada aad ugu dedaala. kaa cibaadada iyo wanaaga ku dedaali jiray mar walba waxa uu arki jiray ka kale oo samaynaya Danbiyo iyo wax ilaahay u diiday , wuu waanin jiray oo waxa uu odhan jiray waar danbiga iska daa ka gaabso waxa ilaahay kuu diiday. maalin maalmaha ka mida ayaa uu arkay isagoo danbi samaynaya , macsiyo xaaraan ah waa waniyoo waar ka gaabso ayuu yidhi , waar aniga iyo rabigay noo kala dhex bax buu yidhi aniga iyo rabigay isu kaaya daa , ma waxa laguu soo diray aniga inaad i ilaaliso ood gaadh iga hay so. Wuu dhaartay Wuxuu yidhi ilaaahay baan ku dhaartee ilaahay kuu danbi dhaafi maayo Ama waxa uu yidhi Ilaahay Jano ku gelin maayo, waa naar meesha aad tagaysaa taas buu ku dhaartay . labadiba waa Geeriyoodeen Kii cibaadada ku dedaali jiray Ee ku dhaartay Adoonkaa inaan ilaahay u naxariisanayn Una Danbi dhaafa hayn iyo kii denbiga samaynayay laakiin Rajo ka qabay In ilaahay SWT u denbi dhaafo , ilaahay SWT Hortii bay ku kulmeen . ilaahay baa SWT labadoodiiba la hadlay Kii cibaadada ku dedaali jiray ilaahay SWT wuxuu ku yidhi: أكنت بي عالما؟ Ma waxaad ogayd inaanan u denbi dhaafa hayn ? ma waaxaad ogayd markaa in aanan adoonkaa jano gelinahayn ? ma waxaan yeeli doonaa baad ka war haysay ? أو كنت على ما في يدي قادرا؟ Waxaan anigu hayo maadaa awood u leh inaad hor istaagto? Qofka Adoon kaa jano iyo naar danbi dhaaf iyo danbi dhaaf la’aan intaba aniga ayaa u hayaa. madaa markaa Awood u leh in anigoo awood u leh inaan u denbi dhaafo aad adigu danbi dhaafka Adigu Ka hor istaagto .madigaa awood u leh anoo doonaya jano inaan geeyo inaad janada ka Celiso ? وقال للمذنب اذهب فادخل الجنة Adoonkii muslimka ahaa laakiin danbiyda samayn jiray ilaahayna rajo wanaagsan ka qabay ilaahay wuxuu yidhi Orodoo tagoo janada gal برحمتي Naxariistayda janada ku gal. kii kale ee camalkii wanaagsanaa ee uu samayn jiray ka qaaday Cujbiga iyo isu Bogitaanka , iyo naxariista Ilaahay Inuu koobo , Adoomaha Ilaahayna inuu Xaqiro Waxaanu war U haynina inuu ka warramo oo axkaam aanu cilmigeeda hayn uu rido Ilaahay wuxuu yidhi kaxeeya oo naarta geeya. Wuxuu Yidhi Saxaabiga Abu hurayra oo xadiiska werinaya: والذي نفسي بيده لتكلم بكلمة أوبقت (أهلكت) دنياه وآخرته Ninkaasi marka uu yidhi walahi ilaahay kuu danbi dhaafimaayo walahay ilaahay Jano ku gelin maayo , Wuxuu Ku hadlay kalmad Aduunyadiisa iyo Akhiradiisa labdaba halaagtay oo baabi’isay . Abu-daa’uud baa xadiiskaa wariyay waana xadiis saxeex ah . waxaa la mid ah aadna ugu micno dhaw xadiiska uu saxaabiga Jundub la yidhaahdaa uu nabiga ﷺ ka weriyay : ن جندب بن عبدالله قال: قال رسول الله ﷺ: “قال رجل: والله لا يغفر الله لفلان، فقال الله: من ذا الذي يتألى عليَّ أن لا أغفر لفلان؟ إني قد غفرت له، وأحبطت عملك رواه مسلم. Wuxuu yiri Nabigu ﷺ Nibaa yidhi ilaahay baan ku dhaartee ilaahay hebel u danbi dhaafi maayo Ilaahay Wuxuu yidhi waar waa kuma kaa ku dhaaranaaya Hebel inaanan u danbi dhaafa hayn ” Hebelkaad Lahayd Walaahay ilaahay u denbi dhaafi maayo waan u denbi dhaafay , Adigana camal kaagii wanaagsanaa waan buriyay oo maanta faro madhnaan iyo caydh baad ka taagan tahay Imaam-muslim baa ku wriyay saxiixiisa . Ayuhal Muslimiin Casharda iyo cibrooyinka aynu qisadaaa ka baranayno waxaa ka mida (إنَّما الأعمالُ بالخواتيمِ) camalada halka laga eegayo ee qofka ay wax tar uga yeelanayaan ama mid ku khasaaroobay u noqonayo waa khaatimada siduu yidhi oo uu inoo sheegay Rasuulku ﷺ . Ninkaasi Cibaadaad iyo camalo wanaagsan buu samayn jiray hadana waxaad aragtaan Khaatumadiisi inay xumaatay oo naar uu ku danbeeyay , waxaana arintaasi sabab u noqday hadalkaasi uu ku hadlay ee aan wanaagsanayn . kaa kalena Xumaan Buu samayn jiray Caaqibadiisuna way wanaagsanaatay, ilaahay baa swt danbigaa iyo khaladkaa laga galay Jano u xukamay . casharda iyo cibrooyinka aynu qisadan ka baranayno waxaa ka mida Qofku inaanu ilaahay ka sheegin swt waxaanu war u hayn وَأَنْ تَقُولُوا عَلَى اللَّهِ مَا لَا تَعْلَمُونَ Adoomadan ilaahay adigu war uma haysid ilaahay inuu u denbi dhaafayo iyo in kale, denbi kasta oo ay samaynayaan inay jano tagi doonaan iyo inay naar tagi doonaan war uma haysid iyo caaqibadoodu waxa ay ku danbayn doonto. Ha faaqidin markaa arin aanad aqoon u lahayn inta lagu ogaysiiyay ku gaabso , waxaynu ka baranaynaa qofka muslimka ah Karaahiyda iyo nacaybka uu u qabo macaasida iyo xumaantu waa inaanay kalifin inuu isagu uu xuduuda ka talaabo oo uu ku hadlo ama uu sameeyo wax ilaahay swt aanu ogalayn oo dhibkiisu uu isaga dib ugu soo noqdo . Ninkaasi Ninkaa waa wanin jiray sidaad maqasheen xumaantaasi ayuu samaynayay uu dhibsanayay , arintaasi se waxay gaadhsiisay heer uu ka talaabay xuduudii loo ogalaa oo uu yidhi waliba ilaahay hebel u denbi dhaafi maayo janana gayn maayo intuu weliba dhaartay Taana isaga ayaa ku halaagsamay. Qofka Muslimka ah waxyaalaha aynu ka baranayno waxaa ka mida haduu yahay qof muslima oo mawaxida oo camal wanaagsan sameeya marnaba waa in aanu isu bogin , mar walba uu isu arko heerkii laga rabay inaanu gaadhin , oo camalkiisuna aanu dhamaystirmin adoomaha ilaahayna inaanu xaqirin. waxaa laga yaabaa kuwo adigu muuqaal ahaan Diiniyan aad is leedahay waad ka wanaagsantahay inay adiga xaqiiqatan ay kaa wanaagsan yihiin , derajada ilaahay agtiisa ay ku leeyihiina ay ka sarayso ta aad adigu ilaaahay agtiisa aad ku leedahay . Qofna ha xaqirin raxmada ilaahaynaha cidhiidhi galinin , naftaadana meel aanad ogayn ha u xukumin sidaad oo kale adoomaha ilaahayna ee adigu hoos aad u eegayso. Qofka muslimkaa inkasta oo wanaagiisu uu gaadh sii sanyahay Tawaaduc iyo is dhuldhig ayaa la gudboon , iyo adoomaha ilaahay inuu ka istaago mawaaqifta sharciga ah , Xumaanta ka waani wanaagana uga yeedh. waad dhibsanaysaa macaasida iyo gefefka uu ilaahay uu ka gelayo , laakiin marnaba adigu jano isu xukumi maysid isagana naar u xukumi maysid , adigu denbi dhaaf isu qoondayn maysid isaga ku xukumi maysid Ilaahay SWT inaannu u denbi dhaafa’hayn . Arinta noocaasi ah haslista uu rasuulkeenu ﷺ inoo sheegay ayay leedahay markaa ilaahay SWT adoomihiisa waxaad ula dhaqantaa siduu ilaahay kuu ogalyahay , waxaana aad u xukuntaa axkaamta ay xukuntay shareecada islaamku Taa macnaheedu maaha in dadka lagu dhiiri gelinayo macaasida iyo xumaanta inay sameeyaan . waynu ognahay ilaahay siduu adoomihiisa ugaga waaniyay ee ugaga digay caaqibadeeda xuna ugu sheegay , sidaas oo kalena rasuulku ﷺ Kuwaa iyaga meelo kale ayaa lagula hadlay oo lagu waaniyay oo cidhibta xun ee macsiyadooda aduun iyo aakhiroba ka dhalanaysa loogu sheegay . laakiin Axaadiistani waxa ay si gaara ula hadlayaan qofka isagu macaasida iyo xumaanta ka madhan ee aan samaynahayn ama camal wanaagsan ku sifaysan ee shaydaanku taa uu uga faa’idaysanayo kibirna uu ku afuufayo , iyo inuu isu bogo adoomaha ilaahayna inuu xaqiro nariista ilaahayna SWT inuu uruuriyo oo koobo ilaahayna uu ka sheego waxuu aqoon aanu u lahayn Awoodiisuna aanay gaadhsiisnayn . walaalayaan nabigu ﷺ wuxuu yidhi ma doonaysaa acaamsha wanaagsan oo dhani inay kuu fudadaato faral iyo sunaba?, ma doonaysaa xumaanta naftaada oo aad ka goysaa inay kuu fududaato ? Carabkaaga xuska ilaahay SWT ha ka qoyanaado. a man praying allah and stands hand عباد الله: ﴿ إِنَّ اللَّهَ وَمَلَائِكَتَهُ يُصَلُّونَ عَلَى النَّبِيِّ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا صَلُّوا عَلَيْهِ وَسَلِّمُوا تَسْلِيمًا ﴾ [الأحزاب: 56] اللهم وارضَ عن الصحابة أجمعين وعن الخلفاء الراشدين الأئمة المهديين أبي بكر وعمر وعثمان وعلي وعن سائر أصحاب نبيك أجمعين وعن التابعين ومن تبعهم بإحسانٍ إلى يوم الدين، اللهم وارضَ عنَّا بمنِّك وكرمك ورحمتك يا أرحم الراحمين. اللهم أعزَّ الإسلام والمسلمين، وأذل الكفر والكافرين يا رب العالمين. Facebook WhatsApp Qisooyin