Adkaarta Subaxa Iyo Galabka|ادكار صباح و مساء 🤲 Abdirahman, February 21, 2024April 19, 2024 Adkaarta Subaxa iyo Galabka Adkaarta Subaxa iyo Galabka Waa Dikriyadii, la akhriyayay Subaxdii iyo galabtii. أَصْـبَحْنا وَأَصْـبَحَ المُـلْكُ لله وَالحَمدُ لله ، لا إلهَ إلاّ الله وَحدَهُ لا شَريكَ لهُ، لهُ المُـلكُ ولهُ الحَمْـد، وهُوَ على كلّ شَيءٍ قدير Waanu waa bariisanay , waa bariisanay, Anagu. oo soo kaa kacnay. Aduunyada waxii joogayna , wuu waa bariistay. iyadoo illaahay SWT leeyahay . Adkaarta Subaxa iyo Galabka Mid kastaaba Ha nacnac leeyoo, oo ha isku dayo , inuu ilaahay , ku qabsadee . Anagu aduunkan inuu ilaahay leeyahay ayaanu u qirnay . ,رَبِّ أسْـأَلُـكَ خَـيرَ ما في هـذا اليوم وَخَـيرَ ما بَعْـدَه Ilaahow waxaan ku waydiisanyaa , khayrka ku jira, maalinkan . waagiisu baryay . iyo waxa ka sii danbeeya. waa galabta marka, la gaadho. ,وَأَعـوذُ بِكَ مِنْ شَـرِّ هـذا اليوم وَشَرِّ ما بَعْـدَه Illaahow waxaan kale oo kaa , magan , galayaa. maalinkan sharka , ku jira . iyo sharka ka sii danbeeya , ee caawa dhici doona. Macnaha , maanta iyo caawa . khayrkoodiina, ilaahay baad waydiisatay. sharkoodiina , illaahay baad ka magan gashay . Jin, iyo jaan. bahal iyo dugaag , isku wada dar. wixii shar leh . illaahow, sharkoodaan, kaa magan galay . Wixii khayr lehna , khayrkoodaan ku waydiisanay Yaa rabi . 🤲🤲🤲. .رَبِّ أَعـوذُبِكَ مِنَ الْكَسَـلِ وَسـوءِ الْكِـبَر ، رَبِّ أَعـوذُبِكَ مِنْ عَـذابٍ في النّـارِ وَعَـذابٍ في القَـبْر Illaahow waxaan , kaa magan galay , waxa la yidhaahdo, wahsiga . iyo caajisnimada . iyo qofka oo arimihiisa, qabsan kari waaya. iyo waynaanta xun . Ama asaasaqa , illaahow asaasaqa iga illaali . Ilaahow waxan kaloo , kaa magan galay, cadaabka qabriga. iyo cadaabka naarta. Illaahow 🤲 Boholaha Qabriga . iyo Boholaha , naareed . illaaahow 🤲 iga badbaadi . Markaa khayroo dhan , oo aduunyada ah , iyo Khayrii , aakhiroba. illaahay baynu , waydiisanay . Balaayadan , sharkii aakhirada. iyo sharkii Aduunyada . illaahay baad ka magan , gelaysaa . Noloshaadii markaa si , qurux badan , ayay u socotaa. oo macaaan. ,اللّهـمَّ أَنْتَ رَبِّـي لا إلهَ إلاّ أَنْتَ ، خَلَقْتَنـي وَأَنا عَبْـدُك Illaahow waad i abuurtay , Ana Adoonkaagii, baan ahay. mid isla wayn, ma ihiye , mid aad abuurtay , baan ahay . ,وَأَنا عَلـى عَهْـدِكَ وَوَعْـدِكَ ما اسْتَـطَعْـت Anigu Ilaahow balantaadii , baan ku sugnahay. Rusushu ay iga qaadeen . Quraanka , aad igaga Qaaday. Balantaadii , baan ku sugnahay. intaan karo. Balan baan , kula galay. cahdi baan kuu qaaday , inaan fulin doono diinta . Adiguna Balan baad , ii qaaday , iyo yabooh. intaan karo , kaas ayaan ku eegkahay . intaan karona, kaasaan ku yididiilanayaa . , أَعـوذُبِكَ مِنْ شَـرِّ ما صَنَـعْت ، أَبـوءُ لَـكَ بِنِعْـمَتِـكَ عَلَـيَّ وَأَبـوءُ بِذَنْـبي Illaahow waxaan, kaa magan galay. waxaan sameeyay, sharkiisa. Qofku wuxuu , sameeyay , shar iyo khayrba , wuu , leeyahay. Illaahow Balaayooyinkaa. Aaan booshaaqayee , aan gacanta , ku walaaqayo. Illaahow dhibiilaha , kasoo duullaya. Illaahow waxaa aan sameeyay, sharkooda , iga badbaadi . waxaan kuu , qiranayaa . nimcada aad dushayda yeeshay . Waxaanan kuu qiranayaa nimcada , aad dushayda , yeeshay. Waxaan Qirsanahay , nimcada , wayn ,ee aad i siisay . Adoonka muuminka ah , maaha mid , imaan ‘yuug’ ah . oo ilaahay saluugaya, deeqdiisa. laakiin waxa weeye illaahow , waan Qirsanahay. markaad cid wax , doonayso , inay wax kuu kordhiso , wixiisii hore , ayaa la sheegaa. Hadaad se, noqoto , mid dafira, waxii hore . Dee muxuu ku siin , waar tii horeba maadaa qirsan buu ku odhan . marka alle wuu kuu kordhin. Hadii aad tii, hore , qirsantahay . .فَاغْفـِرْ لي فَإِنَّـهُ لا يَغْـفِرُ الذُّنـوبَ إِلاّ أَنْتَ Gafkayga iyo Danbigaygana , waan , qirsanahay . ee ii dhaaf , illaahayow 🤲. Dunuubta , ma dhaafo , mid aan adiga ahayne . markaa deeqdaadiina , waa qirsanahay . aad i siisay . Danbigayga, aan galayona , waan qirsanahay . Allehayow adigu , deeq iyo wanaag baad ila Yeelantahay , Aniguna , danbiile , ayaan ahay . sidaas , ayaa Ilaahay SWT , loo amaanaa , lagu , baryaa. Afgarashadii , illaahay , waa taa . Sidaas ayuu, inoo , barayaa Nabigu ﷺ. ,اللّهُـمَّ إِنِّـي أَصْبَـحْتُ أَُشْـهِدُك ، وَأُشْـهِدُ حَمَلَـةَ عَـرْشِـك ، وَمَلائِكَتِك ، وَجَمـيعَ خَلْـقِك Alleha yoow waagii , Baa ii , baryay . Waan ku markhaati, Gelinayaa . Malaa’igta , cashrigaaga , xanbaarsan baan , markhaati , gelinayaa. iyo Malaa’igtaada kale . Ayaan , iyagana , markhaati , Gelinayaa . khalqigaaga kale , intii i maqlaysayna , waan markhaati gelinayaa . Waxaanan markhaati , Gelinayaa . sidan : أَنَّـكَ أَنْـتَ اللهُ لا إلهَ إلاّ أَنْـتَ وَحْـدَكَ لا شَريكَ لَـك ، وَأَنَّ ُ مُحَمّـداً عَبْـدُكَ وَرَسـولُـك .(أربع مرات ) Inaad Adigu tahay Ilaahii xaqa ahaa , Ilaah kalena , aanu jirin Adiga , Mooyaane. nabi muxamedna uu , rasuulkaagii yahay. Intaas oo dhan inaad , tahay , baan , aniguna , qirayaa . cid walbana , markhaati Gelinayaa . Afar jeer baad intaa , odhan doontaa . waa adkaartii , subaxdii . ,اللّهُـمَّ إِنِّـي أسْـأَلُـكَ العَـفْوَ وَالعـافِـيةَ في الدُّنْـيا وَالآخِـرَة Illaahow waxaan ku waydiisanayaa, cafis. inaad iga cafido , Dunuubta. iyo inaad , iga caafido , cudurka. Aduunyada , iyo Aaakhiroba . ,اللّهُـمَّ إِنِّـي أسْـأَلُـكَ العَـفْوَ وَالعـافِـيةَ في ديني وَدُنْـيايَ وَأهْـلي وَمالـي Cafis iyo caafimaad , baan ku waydiistay. inaad , duunuubtana iga cafido. cudurkana , iga caafimaadiso. Inaad ii fayiibayso , Diintayda, Ehelkayga, iyo maalkayga . Ilaa diintaadu , ma caafimaad , qabto. hadii aad , fidmaysantahay. ,اللّهُـمَّ اسْتُـرْ عـوْراتي وَآمِـنْ رَوْعاتـي Illaahayow Astur Cawradayda . qofka ilaahay , cawradiisa asturo,ayuubaa asturan . Ilaahayow Deji oo xasali , Argagaxayga . Argagax baa insaanka , is kaga badan iyo cabsi . dad buu ka cabsanayaa , faqri buu ka cabsanayaa . markaa xusni iyo khowf, ayaa iskaga jira . wixii hore ayuu ,ka murugsanyahay . waxa danbe , ayuu ka cabsanayaa . cabsidaniba waa ta dadka , waashay . ilaahow werwerkayga, iyo walaacayga, iyo walbahaarkayga. illaahow xasili 🤲 oo intaaba iga Dulqaad . اللّهُـمَّ احْفَظْـني مِن بَـينِ يَدَيَّ وَمِن خَلْفـي وَعَن يَمـيني وَعَن شِمـالي ، وَمِن فَوْقـي ، وَأَعـوذُ بِعَظَمَـتِكَ أَن أُغْـتالَ مِن تَحْتـي Allehayow iga ilaali , xagayga Hore . iyo xaga , danbe . midigtayda , Bidixdayda iyo Xagayga sare . Illahow waynaantaada , ayaan magan galay .In la iga qafaasho xagayga Hoose . Jihooyinku waa afaruun , xaga hore ,xaga danbe , labada hareerood , cirka iyo dhulka . Odayaashii Hore intan, may xafidsanayn’e. waxay odhan jireen , Balaayada Hore Rooran. ilaahow naga sii, eri. Ta danbe , Reeban . Ilaahow naga reeb . Ta herreeruhuna Riixan , Taa Harreerahana , illaahow naga Riix. Ta sarrena , Raaran . Ilaahow ta sare , naga raar . oo yay nagu soo daadegin . ta hoostuna , Radeeban , illaahow taana Ruglay mari oo yay soo bixin Diri Ilaahow ka dhig. Adkaarta Subaxa iyo Galabka Allena Wuxuu Yidhi SWT : surah : Al-An’am ayah: (65) قُلْ هُوَ الْقَادِرُ عَلَىٰ أَن يَبْعَثَ عَلَيْكُمْ عَذَابًا مِّن فَوْقِكُمْ أَوْ مِن تَحْتِ أَرْجُلِكُمْ أَوْ يَلْبِسَكُمْ شِيَعًا وَيُذِيقَ بَعْضَكُم بَأْسَ بَعْضٍ ۗ انظُرْ كَيْفَ نُصَرِّفُ الْآيَاتِ لَعَلَّهُمْ يَفْقَهُونَ ” Waxaad Dhahdaa Eebe waa kan kara inuu idinku soo Daayo Cadaab Korkiinna ama Lugihiinna Hoostooda ama idin qaso (idinka yeelo) Kooxo uu Dhadhansiiyo Qaarkood qaarka kale Dhibkiisa, bal day Sidaan ugu Caddaynaynno Aayaadka inay Kasaan. “ عباد الله: ﴿ إِنَّ اللَّهَ وَمَلَائِكَتَهُ يُصَلُّونَ عَلَى النَّبِيِّ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا صَلُّوا عَلَيْهِ وَسَلِّمُوا تَسْلِيمًا ﴾ [الأحزاب: 56] اللهم وارضَ عن الصحابة أجمعين وعن الخلفاء الراشدين الأئمة المهديين أبي بكر وعمر وعثمان وعلي وعن سائر أصحاب نبيك أجمعين وعن التابعين ومن تبعهم بإحسانٍ إلى يوم الدين، اللهم وارضَ عنَّا بمنِّك وكرمك ورحمتك يا أرحم الراحمين اللهم أعزَّ الإسلام والمسلمين، وأذل الكفر والكافرين يا رب العالمين. Facebook WhatsApp Ducooyin Ducada galabtiiDucada subixiiDucooyinDucuda subaxiiiyo galabtiisubixii