Awooda Dikriga Xawqalada iyo Dhacdooyin laga arkay Abdirahman, February 15, 2024November 11, 2024 Awooda Dikriga maanta waxa aynu baranaynaa, dikrigan oo aad u kooban , laakiin hadii aad akhrido , Subax walba, ama marka aad, xaajo leedahay, Boqol jeer, illaahay SWT. xaajadaadaa uu kuu gudaayo. waaxan halkan idiinku soo gudbinayaa. sadex qiso , oo ah dad ducadan akhriyay oo ku liibanay . الحمد لله رب العالمين، والعاقبة للمتقين، ولا عدوان إلا على الظالمين، وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له أما بعد ﷽ Qisada (1aad ) Awooda Dikriga qisada kowaad , nin saxaabi ah oo nabiga u yimid ﷺ . dagaal dagaalada ka mida oo uu rasuulku, ka soo laabtay ﷺ . ayaa saxaabigaa oo la dhihi jiray cawf ibnu-maalik , wuxuu yidhi rasuulkii allow ﷺ wiilkaygii oo dagaalkii raacay waa la la’yahay . waxaana aan maqlay inuu cadaw haysto. nabigii allow ﷺ maxaa xal ah oo aan samaynaa ? wiilka hooyadiisna oohintii way kala joojin la’dahay . wuxuu yidhi Rasuulku ﷺ ma idin baraa: dikri hadii aad ku celcelisaan ilaahay SWT, wiilkaa uu idiin soo daynaayo. oo waxaad rabtaan Ilaahay SWT uu idin siinaayo ? ninkii waxaa kale oo uu sheegay nabiga rasuulkii allow ﷺ dhibaato dhaqaalena waa ay na haysataa . Nabigu wuxuu ku yidhi laabo oo adiga iyo islaantaadu intaad wada fadhiisataan, illaahay xusa dikrigana akhriya: لَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِٱللَّٰهِ . markaa guriga ayay aadeen,subaxdii ayay bilaabeen, dikrigaas inay akhriyaan. way wadeen markaa waad qiyaasi kartaa intaas oo saacadood, salaada marka ay tukanayaan mooyaane, boqolaal dikrigaas ah ayay akhriyeen . Awooda Dikriga iyo dikriga ugu wanaagsan , waa nin iyo gabadh ilaahay baryaya oo khushuucsan Kadib Habeenkii ayaa albaaka la soo garaacay. wuu istaagay oo wuu furay aabihi , waaba wiilkiisii Allahu-akbar . marrkaas ayaa waxaa dhacday abihii, wuu ku booday oo wuu dhunkaday. Maxaa dhacay ? intaas ka dib, ayuu wuxuu wiilkii yidhi aabow waxaad samayseenba kaligayga, maahee waa laga badan yahay’e, ee waxa iga danbeeyo fiiriya . Abihii markii uu eegay wiilka xagiisa danbe: wuxuu arkay kumanaan adhi ah oo buux dhaafiyay banaanka am daarta guriga wuxuu yidhi aabe xagaad ka keentay wuxuu ku jawaabay nimankii cadawga ahaa ayaan ka soo furtay. markaa wuxuu yidhi cawf ilaa arintaa uu nabigu ka ogaado oo uu noo sheego inuu xalaal yihiin ma taabanayno asxaabtii sidaas ayay ahaayeen oo calooshooda xaaraan uma ay qarin jirin . Wuu baxay oo rasuulka ﷺ ayuu u sheegay wuxuu yidhi horta nabi-allow ducadii iyo dikirigii midhaheedii waanu aragnoo wiilkii waa naloo soo daayay . waxaa kale oo yaab badan! wuxuu wataa, oo cadawga uu ka soo goostay, xoolo aad u fara badan. markaaas ayuu rasuulku yidhi ﷺ ,xoolahaasna, idinka ayaa leh. waana natiijadii ducada ilaa xoolo cadaw laga soo furtay waaye’e qaniimaduna waa xalaal . markaa isaga oo wiilkii, ka sheekaynaya, wuxuu yidhi: si aada ayay ii xidheen gacmaha iyo lugaha oo aanan, dhaqaaqi karin. ayaa waxaa layaab lahayd inaan arkay wixii oo is fur furaya ilaa ay dabacsanaantay oo gacmaha iyo lugaha aan kala soo baxay wixii ay igu xidheen. wuxuu sheegay inay ahayd waqtigii ay hurdeen xoolo fara badana way haysteen kadibna wuu soo wada kaxaystay xoolihii لَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِٱللَّٰهِ . wuxuuna yidhi, markii aan faraska, soo fuulay, oo aan soo baxay. kaligay inaanan ahayn in la i xanbaaraayo oo kale oo ay malaai’gi markaa i wehelinayso waa duco aad u cajiib badan . Qisada (2aad) Nin ayaa, abihiis dhintay. kadibna markii uu abihii dhintay ayaa qabrigii abihiis waxaa joogay nin dayn ku lahaa . wuxuuna yidhi abahaa 300 oo kun ayaan ku lahaa. markaa muu sheegin nooca ay tahay riyaal mise dollar koley waa wadan uun carbeed laakiin waa lacag fara badan . wuxuu yidhi : waaxii dayn aabe aad ku lahayd anaa ku siinaya. tacsidii markii ay dhamaatay ninkii wuxuu dhahay lacagtaydii ayaan rabaa. Ninkii wuu orday, dadaal ayuu sameeyay wuu heli waayay ninkii wuu dacweeyay maxakamad ayuu geeyay. kadibna ninkii, qaadiga ahaa ayaa wuxuu ku yidhi: lacagta ma heli kartaa hadii aan mudo ku siiyo wuxuuna ku yidhi haaye mududada isii waa aan heli karaaye . Calaa ku xaal, Sadex bilood buu siiyay wuxuu yidhi meeshaad doonto ka keen. soo shaqee meeluun ka keen waxaan kaa rabaa inaad ninkaas u keento lacagta 3 bilood ka dib . Alle oo la talo saarto iyo dikriga oo la badiyo waa sirta Aduunyada . Meelkasta ayuu aaday, wax kasta oo uu sameeyay, wax yar oo uu soo shaqeeyay oo lacagtii aanan gaadhayn. iyo wixii uu haystay oo ah guriga waxii yalay wuu soo qaaday wuu keenay qaadigii. wuxuuna ku yidhi qaadiyow sadex bilood anigu intan waa dhaafin kari waayay waxaan haystaana waa intaa markaa go’aanka adaa leh aniga tamartaydu intaas ayay gaadhay. wuxu ku yidhi qaadigii intii aa iga maqnayd maxaad samaynaysay? wuxuu yidhi, waxaan sameeyay , dikri aan rasuulka ﷺ ka maqlay. arin sidaan oo kale marakay kugu dhacdo, la akhristo, ayaan ku cel celinayay. wuxuunu yidhi qaadigii, maxay waaye dikrigaasi. wuxuu yidhi waa لَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِٱللَّٰهِ ducadan ayaan ku celcelinaayay . wuxuu dhahay kaalay. xafiiska ayuuna soo geliyay, Jeegan ayaa la ii keenay ayuu dhahay . wuxuu yidhi ninka daynta lagu leeyahay, dayntiisa ka bixi waa jeeg dhan, waana ay ka badan tahay lacagtu , inta meesha ku qoran. waana guriga uu ku jiro kiradiisa inta uu noolyahay . Awooda dikriga-Ninkaas cawf ibnu-maalik markuu nabiga ﷺ u tagay ee uu u sheegay, wiilkiisi iyo xoolo la socdaa inay u yimaadeen. dikiriga uu rasuulku u sheegay dartiis ayuu wuxuu yidhi ayaada ayaa kugu soo degtay : Daliilka Ayaadaha وَمَن يَتَّقِ اللَّهَ يَجْعَل لَّهُ مَخْرَجًا وَيَرْزُقْهُ مِنْ حَيْثُ لَا يَحْتَسِبُ ۚ وَمَن يَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ فَهُوَ حَسْبُهُ ۚ إِنَّ اللَّهَ بَالِغُ أَمْرِهِ ۚ قَدْ جَعَلَ اللَّهُ لِكُلِّ شَيْءٍ قَدْرًا[ الطلاق: 3]Ayaadaas oo ah qofka ilaahay ka cabsada, dikrigaas oo la akhriyo, ayaa qofka waxa ay gaadhsiinaysaa cabsi iyo ilaah isu dhiibid. markaas ayuu ilaahay wuxuu u furyaa albaabda albaab uu san filaynin oo aanu ku talo galin . Abihii wiilkii oo kaliya ayuu filaayay xoolo ayuu helay .ninkan kale, wuxuu filaayay ind daynta laga gudo, oo kaliya. wuxuuna uu helay inta uu nool yahay guriga uu ku jiro ijaarkiisa ama kiradiisa . qisada 3aad Dhawaan ayaa, nin. document ama file, uu ka lumay. kadib ninkii wuxuu yidhi , لَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِٱللَّٰهِ ayuu, ku celceliyay. markii uu ku cel celiyay, ayaa, waxa uu aaday meel uu ku tuhmayay document ga. ama filka halkii ayuuna ku jiray waana uu helay. Awooda Dikrigan لَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِٱللَّٰهِ waa dikri uu micnihiisu yahay xeelad ma lihi aan wax ku samaysan karo. awoodna ma lihi. laakiin xeelad iyo awoodba ilaahay SWT ayaa leh . isaga ayaana waydiisanayaa waxa aan rabo xeeladaasi iyo awooda u leeyahay ilaahay inuu igu siiyo . markaad sidaas isu dhiibto qalbigaagu uu nadiif ayahay, xalaal cuna aad tahay ehlu salaadna aad tahay , ilaahay wuu kaa aqbalayaa ducadaas ku cel celi . عباد الله: ﴿ إِنَّ اللَّهَ وَمَلَائِكَتَهُ يُصَلُّونَ عَلَى النَّبِيِّ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا صَلُّوا عَلَيْهِ وَسَلِّمُوا تَسْلِيمًا ﴾ [الأحزاب: 56] اللهم وارضَ عن الصحابة أجمعين وعن الخلفاء الراشدين الأئمة المهديين أبي بكر وعمر وعثمان وعلي وعن سائر أصحاب نبيك أجمعين وعن التابعين ومن تبعهم بإحسانٍ إلى يوم الدين، اللهم وارضَ عنَّا بمنِّك وكرمك ورحمتك يا أرحم الراحمين. اللهم أعزَّ الإسلام والمسلمين، وأذل الكفر والكافرين يا رب العالمين. Awooda Ducada ( Qiso ) Qisooyinka ducooyinka laga arkay Facebook WhatsApp Ducooyin awooda ducadadikriga iyo awoodiisaLaa hawla walaa quwati ilaa bilaah la xawla walaa quwati ilaa bilaah لَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِٱللَّٰهِ