Awooda Ducada ( Qiso ) Abdirahman, November 22, 2023December 2, 2023 : الحمد لله والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه، أما بعـد ﷽ Qisadani Waxay Ay Ina Tusinaysaa Awooda Ducada Iyo inaad marwaliba alle talo saarato ducaysato adoo aan ka daalayn iyo in aad khayr ka rajeeso Alle سبحانه وتعالى ku abuuray kuna samirto hadii dhibaato kula kulanto hadii khayr Aad la kulantona aad ku shukri naqdid . Qisada : Fadlan Si Degan U Akhriso Allena Talo Saaro: Haweenay ayaa guursatay nin la yiraahdo ismaaciil , Wuxuu ahaa Caalim Wayn Oo uu wax baray Imaam Maalik. Midhaha Guurkan Barakaysan Waxaa Ka Dhashay Wiil Waxaana loo Bixiyay Magaca (Muxamed ) Mudo Kadib Waxaa Geeriyooday Ismaaciil , Muxamed Hooyadii Waxay ahayd Haweenay Saalixad ah waxayna Doonaysay inay Wiilkeeda Ku barbaariso Waxbarashada Islaamka ee barakaysan si uu u noqdo caalim Dadka Diinta Bara. Laakiin muxamed isagoo yar ayuu aragiisii waayay oo wuu indho beelay Waqtigaas qofka si uu wax ubarto wuxuu ku qasbanaa in uu meelo fog cilmiga u aado waxay ahayd arin ku adag qof arag la’ hooyadii Alle ayay u baryi jirtay har iyo habeen in Alle u soo celiyo wiilkeeda aragiisa. habeen iyada oo huruda, ayay riyo ku aragtay, Nabi Ibraahim CS, oo ku leh: Bishaaryso ducadaadii faraha badnayd Rabbi wuu aqbalay wiilkaaga aragiisi wuu usoo noqday Araggi oo kaliya ilaahey uma uu soo celinin, waxa uu ugu deeqay awood xifdi iyo garaad badnaan Alle aya u furay albaabada cilmiga. wuxu kusoo wareegay dunida muslimka si uu cilmi u barto wuxu wax ka bartay in kabadan 1080 macalin oo kusugnaa meelo kala duwan oo caalamka ah. Intaa kadib wuxu noqday amiirka ahlu xadiithka wuxu qoray kitaabka ugu saxsan kutubta kadib Qur’aanka kariimka ah waana kitaabkiisa ku caanbaxay “saxiix al Bukhaari” Haa waa aqoonyahanka xadiithyahanada Muxammed bin Ismaaciil Bukhaari رحمه الله ” hadday ku ikaa waydiiyaan Nabiyow addoomadaydu xagayga anigu waan dhawahay waanan ajiibaa (aqbalaa) baryada markay i baryaan, ee ha i maqleen iyaguna hana i rumeeyeen si ay u hanuunaan. “ Facebook WhatsApp Ducooyin Qisooyin