Bisha Ramadaan fadligeeda iyo 8 Arimood oo aynu ku qaabilayno! Abdirahman, January 12, 2024February 26, 2024 Bisha Ramadaan waa fursad, aad u qaaliya. oo qofka cibaadada u heelani, uu jeclaysanyo. oo aanu ka naxayn.waxaana u baahan in aynu dib u eegno, sanadii hore. maqaalkan ayaynu kaga hadlaynaa Fadligeeda oo faah faahsan. : الحمد لله والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه، أما بعـد ﷽ Bisha Ramadaan waa fursad, aad u qaaliya. oo qofka cibaadada u heelani, uu jeclaysanyo. oo aanu ka naxayn.waxaana u baahan in aynu dib u eegno, sanadii hore. iyo rabadaanadii hore. inta dad inala joogay, ee ehel leh ee asxaab leh. ee macaariif leh. hadaad dib u tiriso waad yaabi. alaabtaada, ayaabad iska soo xidh xidhan. oo adiguna ama inaguna, kiyuu baaba aynu, isu sii diyaarin doonaa. weliba ayaamahan danbe , sida loo soconayay. waa casahar, iyo cimro. wax lagu cimara qaatana, geeridaa u mudan . qofkaad is ag joogteen , ama isku ag tukanayseen. ama isku xaafad ahaydeen, markuu libdhee aanu soo noqonayn. adiguna maxaad sugaysaa? meesha hadaba mudan , ee laga sahay qaadanayaa , waa Bisha Ramadaan. waxa la sahay qaadanayaana , waa camal. ee daaraha iyo duunyada , maaha . markaa fursadaa qiimaha badan, ee qaaliga ah, fadligeeda, iyo waxa laga faa’idaysanayo, ayaynu ku soo koobsanaynaa, insha alaahu 8 sideed arimood.: Arinta u Horaysaa , waxa weeye. Bishani waxa ay leedahay khusiisiyaat , waxyaabo dheeraad ah. Nabigu Csw wuxuu ku xusay, xadiiskan, oo saxiix ah. dadka isagoo u bishaaraynaya, bishana tarxiibinaya, oo soo dhawaynaya. wuxuu oran jiray xadiiskan : [-عن أبي هريرة، قال: لما حضر رمضان، قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: ” قد جاءكم رمضان، شهر مبارك، افترض الله عليكم صيامه، تفتح فيه أبواب الجنة، وتغلق فيه أبواب الجحيم، وتغل فيه الشياطين، فيه ليلة خير من ألف شهر، من حرم خيرها، فقد حرم.-] Waxaa idiin Yimi, Bishii Ramadaan. Waa Bil Barakaysan Markaa ramadaan kariim, iyo ramadaan mabruuk, midna inaan la odhanayn, ayaa xadiiska laga faa’idaysanayaa. waxaa la odhanayaa” رَمَضَان مُبَارَك ” nabigaa magacaa u bixiyay csw . Ramdaan mubarak , iyo Ramadaan mabruuk , way kala duwanyihiin. mabruuk waa waxa fadhiya, ayaa la yidhaahdaa. laakiin mubaarak , waa shaygii barakaysnaa. mubaarik na la odhan maayo , oo ra’da la kisrayn maayo. oo waa qofkii, wax barakaynayay . markaa waa bil barakaysan كتب الله عليك الصياما . wax yaalaha ay dheeraadka la tahay , waa inay barakaysantahay. waa in soonkeedu waajib yahay. oo Bilaha kale taa way kaga duwantahay Bisha Ramadaan. Bilaha kale soomkoodu waa sune تفتح فيه أبواب الجنة. Albaabadii janada ayaa la furayaa, in ka badan intii hore . وتغلق فيه أبواب الجحيم. Albaabada naarahana, waa la xidhayaa. وتغل فيه الشياطين، shaayadiintii madaxa adkaa dhibka inagu hayay, ee ciibadada inoo diidanaana, ee dagaalka adkaana, waa la xidhayaa. فيه ليلة خير من ألف شهر Ilaahay wuxuu, umada bishan u dhex dhigay, habeen ka fadli badan kun bilood . من حرم خيرها، فقد حرم Nabigu waxa uu leeyahay, ﷺ : bishan qofka laga calaf seejiyo, ee laga qariyo. ee loo diido ee aan loo qadarin, khayrka ay leedahay, ee faraha badan. kaasu wuu calaf go’ay . markaa arimahaas oo dhanbuu nabigu ku yaboohayﷺ . markaa intaas oo dhan, hadii ay bilihii kale kaga duwantahay. inaynu isha si gaara ugu haynaa, oo aynu u han waynanaanaa, wax wayn weeye. Qodabka labaad waa, sababaha lagu dhaafo danbiyada. Waxa inoogu darani waa, danbigeena. oo cid kale , oo aan ilaahay ahayn. oo inaga dhaafaysaa, aanay jirin. Rasuulku wuxuu ku yiri csw xadiis saxiix al-muslim ku sugan: عن أبي هريرة رضي الله عنه عن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «الصلوات الخمس، والجمعة إلى الجمعة، ورمضان إلى رمضان مُكَفِّراتٌ لما بينهنَّ إذا اجتُنبَت الكبائر» salaadaha Shantaa. iyo labada jimce iyo labada Ramadaan, inta u dhaxaysa , Ilaahay wuu ku dhaafaa , danbiga. macanaha ramadaantii hore wixii ka danbeeyay , ilaahay SWT tanuu inagaga dhaafayaa. insha alaahu Taccaalaa. Danbiyada waawayn hadii laga Durko, buu nabigu yidhiﷺ, danbiyada Yar yarna, waynu ka toobad keenaynaa. Arinta sadexaad ee bishani leedahay waxaa, ka mid ah inuu soonkii noqonayo ilaahay hortiisa, mid inooga ergeeya. maalintaana aadbaynu, ugu baahanahay. ilaahay aynu hortaagan nahay cid inooga ergaysa. oo Alle SWT ergadeeda uu aqbalayo . nabigu csw wuxuu ku yidhi xadiis saxeex ah : أخرج الإمام أحمد عن عبد الله بن عمر رضي الله عنهما أن النبي -صلى الله عليه وسلم- قال: “الصيام والقرآن يشفعان للعبد يوم القيامة، يقول الصيام: أي رب منعته الطعام والشهوات بالنهار فشفعني فيه، ويقول القرآن: منعته النوم بالليل فشفعني فيه فيشفعان”. Soomka iyo Quraanka. Labadaasiba , Qofka way u shafeeca qaadayaan. way u ergaynayaan , ilaahaybay uga ergaynayaan, maalinta qiyaamaha. mid waliba gaarkiisuu u doodaya. oo , soomkii wuxuu leeyahay ilaahow qofkan , waxaan u diiday, cunadiisii. iyo rabitaankiisii . quraankiina wuxuu leeyahay, Hurdadii baan u diiday. Habeenkii oo dhanbuu i akhrinayay, oo igu soo jeeeday. Rasuulku wuxuu leeyahay csw فيشفعان waa laga ergo aqbalayaa. camalkaa saalixaa , ee aynu ilaahay ugu tawasilayno, ee ilaahay inoo dhaweeynayaa. markuu inoo ergeeyo, ilaahay baa ka aqbalaya. ergada wax lagu yidi diisho, oo qaaliya weeeye . een cibaadadani iyadaa waxay leedahay , dheeraad uu nabigu sheegay csw. adoomaha ku dedaala, ee caanka ku ahna , casuumaad gaara ayuu ilaahay u fidinayaa , maalintuu adoomadiisa janada gaynayo . Nabigu wuxuu Ku yidhi ﷺ Xadiiskii saxeexa ahaa janada, waxaa ku yaala Albaab la yidhaahdo, ‘Rayaan’. Albaabkaa waxa ka gala oo kaliya, dadka soonka caanka ku ah. marka ay galaan ee ku dhamaadaana, waa loo xidhaa. macnaha si gaara, ayay u casuuman yihiin . maadaama camalkoodu ahaa mid khaas, ah oo iyaga iyo ilaahay uun , ay isla ogaayeen. cibaadadan fadligeeda , waxaa ka mid ah nabigu wuxuu sheegay ﷺ . ama aynu nidhaahnee , waaa habaaray. rasuulku iyo malaku jibriilba. cida bishan ka calaf go’da, ee ka faaidaysan wayda ,ee meel baas oo kale oo daran u kacda. malagu nabiga ﷺ waxa uu u sheegay , oo uu klu yildhi : sadex jeer buu ku yidhi aamiin dheh , aamiin dheh, amiin dheh. qofka ramadaan u soo gasho , ee aan soomin. ama nabi maxamed maqla ee aan ku saliyin . ama waalidkiisi , aan u sama falin. in alle naarta ku fogeeyo , aamiin dheh. nabiguna ﷺ aamiin buu yidhi. Mid loo ergeeyaba maaha , kaasuye waa habaar qabe. xadiiiskuna waa saxeex habaar nabi iyo mid malagna , meesha ay isu raaceen , hawl adag baa ka jirta. qofkaasuna waa qof halaagsamay , alle inagama yeel swt. fadaa’ilka Bisha Ramadaan waxaaa ka mid ah inuu yahay الطريق العضيم الي الجنة waa wadada , loo maro janada . Asxaabtu alle ha ka raali noqdee , rasuulkeena waxa ay waydiin jireen, wixii u keenaya ilaahay raali noqoshadiisa. ay ku helayaan. ama janadiisa , ay ku helayaan. Yacnii hankoodaa waynaa . halka laga yaabo , inagu inaynu aad ugu han waynahay , aduunyada. iyo arimaheedaa yar yar. Asxaabi abu amaama la odhan jiray. ilaahay raali ha ka noqdee ayaa rasuulka su’aal wadiiyay. wuxuu yidhi : قال: قلت يا رسول الله دلّني على عمل أدخل به الجنة؟ قال: «عليك بالصوم فإنه لا مثل له»، قال: فكان أبو أمامة لا يُرى في بيته الدخان نهارا إلا اذا نزل بهم ضيف»، وعلينا ان نتدبر الحديث الآتي: nabi Allow, waxaan ku waydiinayaa: camal aan ku dhego. oo aan ku galo janada. Rasuulku csw Wuu u soo gaabiyay wuxuu ku yiri «عليك بالصوم فإنه لا مثل له» waxaad ku dedaashaa , soomka. wax la mid ahiba ma jiree . Maalintaa ka dib asxaabigaasi wuxuu ahaa لا يُرى في بيته الدخان نهارا إلا اذا نزل بهم ضيف» intaa waxii ka danbeeyay saxaabigaa gurigiisa, dab laguma arki jirin. micnaheedu waxa weeye , Dab muu shidan jirin . maalin oo dhan wuu soomanaan jiray. marka marti ay u timaado mooyaane. oo dee martidii waxay leedahay in la maamuuso , oo wax loo kariyo. oo la soor yeeyo. marka aan martidaasi , la joogin soomkiisuu , wadan jiray. oo habeen uunbuu wax karsan jiray. dee wuxuu ka balan qaaday wixii uu nabiga ﷺwaydiiyay ee isaguna u sheegay. soonkii faralka ahaa , iyo kii sunnaha ahaaba , labadaba waa noqonayaa. Soomku waa kafaara gud , dhaarta , waxyaalaha culus ee uu adoonku fulin kari waayo. waxyaalaha lagu furdaaminayo , ee ilaahay ku dhaafayo ayuu ka mid yahay soomku. qofka dhaarta suurah al-maidah illahay, wuxuu ku xusay inuu bixiyo dhar iyo raashin. intaaba hadii uu waayo ilaahay wuxuu yidhi: فَمَن لَّمْ يَجِدْ فَصِيَامُ ثَلَـٰثَةِ أَيَّامٍۢ ۚ ذَٰلِكَ كَفَّـٰرَةُ أَيْمَـٰنِكُمْ إِذَا حَلَفْتُمْ ۚ وَٱحْفَظُوٓا۟ أَيْمَـٰنَكُمْ ۚ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمْ ءَايَـٰتِهِۦ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ waxaad ku dedaashaan, kafaara gudka dhaartu inuu noqdo.: sadex maalmood oo uu qofku soomo. dhaartiinaa waxaa idinka salabaynaya, idinka safaynaya oo ilaaha idinkaga dhaafayaa, soonkaas baa ilaahay yidhi swt. Bisha Ramadaan fadligeeda waxa ka mida qofka ku dedaalaa انه يكون من الصديقين واشهدا waxa uu ka mid noqonayaa dadka ugu fadliga badan, adoomaha ilaahay. kuwa runta badan, iyo kuwa naftooda quudhay. ee dagaalka gaalada, ku shahiiday. liiskaas uunbuu ku jiraayoo, kuwaas uunbuu la mid yahay. bushaaro uu nabiguﷺ ina siiyay, oo inoo sheegay weeye. xadiiskuna, waa saxiix . جاء رجلٌ إلى النبيِّ صلَّى اللهُ عليه وسلَّم فقال يا رسولَ اللهِ شهدت أن لا إلهَ إلا اللهُ وأنك رسولُ اللهِ وصليتُ الخمسَ وأديت زكاةَ مالِي وصمتُ شهرَ رمضانَ فقال النبيُّ صلَّى اللهُ عليه وسلَّم من مات على هذا كان معَ النبيينَ والصديقين والشهداءِ يومَ القيامةِ هكذا ونصبَ إصبعَيه ما لم يعقَّ والدَيه xadiiskani waxuu sheegayaa , ninbaa nabigaﷺ u yimi. rasuul allow hadii aan ilaahay qiro, oo adiga ku qiro, rabi iyo rasuul hadaan qiro. shanta salaadoodna, aan tukado. oo aan ku dedaalo arkaanu islaamka. salaadii soonkii, sakadii iyo sara joogii habeenkii, ilaahay loo cibaadaysanayay. intaa hadii aan ku dedaalo. bal anigu qoladee, ku jiraa. dad badan baad liiskooda, u sheegtee, dadka aan ku yadidiilanayo ee liiskooda, ku darmayaa. waa kuwee. Rasuulkuﷺ wuxuu yidhi. معَ النبيينَ والصديقين والشهداءِ , dadkaa ilaahay quraanka, ku sheegay. ee cid la tamaniyo, oo lagu yadidiisho iyagu u fiican. kuwa runta badan, iyo kuwa shuhadada ah. liiskooda ayaad raacaysaa. ilaahayna wuxuu yidhi : وَمَنْ يُطِعِ اللَّهَ وَالرَّسُولَ فَأُولَئِكَ مَعَ الَّذِينَ أَنْعَمَ اللَّهُ عَلَيْهِمْ مِنَ النَّبِيِّينَ وَالصِّدِّيقِينَ وَالشُّهَدَاءِ وَالصَّالِحِينَ وَحَسُنَ أُولَئِكَ رَفِيقًا [النساء:69]. Cid lala Rafiiqana, kuwaasaa u wanaagsan. buu ilaahay yidhi. Qofka ilaahay adeecee, ka tala qaatee dadka aan ka tala qaadani, dadkaasuu raacayaa. janada uu la galayaa. walaalayaal waxa kaliya, ee inala gudboon waxa weeye. inaynu guntiga giijisano, oo bishan Ramadaan si wanaagsan, aynu u waajahno. soomkeeda iyo qiyaamkeeda, iyo cibaadada qaybaheeda, kala duwan, in lala yimaado. oo lagu dadaalo. oo ehelka iyo umadana lagu abaa bulo. sidii ay khayrkaa uga faa’idaysan lahaayeen. waa fursad qiimo badan oo nafta lagu edbinayo caafimaadka ruuxda iyo jidhkuna uu kujiro. si ay naftu uu tamiriso, inta sanadka u hadhay, sahay wanaagsana uu adoonku u helo . Inahaasi waxa weeye Fadaa’ilka ay leedahay bisha ramadaan. Qoraalkan waxaan kasoo dheegtay muxaadiro, uu jeediyay Alle Miisaanka xasanaadka ha ugu daree sheikh mohamed sh.omar Dirir . hadii wax khaldan ay jiraan alle swt danbigeena iyo danbiga waalidkeenba ha dhaafo . عباد الله: ﴿ إِنَّ اللَّهَ وَمَلَائِكَتَهُ يُصَلُّونَ عَلَى النَّبِيِّ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا صَلُّوا عَلَيْهِ وَسَلِّمُوا تَسْلِيمًا ﴾ [الأحزاب: 56] اللهم وارضَ عن الصحابة أجمعين وعن الخلفاء الراشدين الأئمة المهديين أبي بكر وعمر وعثمان وعلي وعن سائر أصحاب نبيك أجمعين وعن التابعين ومن تبعهم بإحسانٍ إلى يوم الدين، اللهم وارضَ عنَّا بمنِّك وكرمك ورحمتك يا أرحم الراحمين. اللهم أعزَّ الإسلام والمسلمين، وأذل الكفر والكافرين يا رب العالمين. Facebook WhatsApp Diintaada Baro bilowga ramadaanBisha ramadaanFadliga ramadaanramdan 2024waa goorma ramadan