qisadan nabi ayuub (cs) Qaybtii 1aad Abdirahman, February 8, 2024February 24, 2024 qisadan nabi ayuub Waa qisada ugu layaabka badan qisooyinka ku soo arooray Quraanka iyo sunnaha nabi muxamed ﷺ . الحمد لله رب العالمين والعاقبة للمتقين والصلاة والسلام على رسول الله محمد و على آله و أصحابه أجمعين أما بعد, السلام عليكم و رحمة الله و بركاته. ﷽ Waxaa qisadan nabi ayuub ku jirra Duruus Fara badan , waxaa ku jirra cibrooyin waxaa ku jirra waanooyin qofka si dhaba u dhegaysta ee qalbiga u fura , uu ka kororsanaayo iimaan iyo camal saalixa oo ilaahay SWT u dhaweeya . qisadan nabi ayuub quraanka oo qudha kuma ay soo arroorin Balse qisadani waxay ku soo arroortay sunnada iyo quraankaba yacnii quraankana waa lagu sheegay Axaadiista nabigana ﷺ meelo ayay kaga xusantahay. Waa qisadii nabiyu laahi ayuub ﷺ oo aynu odhan karno waa immaamu saabiriin marka qisadiisaa la eego, dadka sabra ee daacada iyo cibaadada ku sabra xumaanta ka sabra , dhibaatooyinka iyo masaaibta ku dhaca u sabra , ee qalbigoodu aanu ka cadhoon ee ilaahay aanu ugu cadhoon , waxa sharciga ilaahay khilaafsana aan samayn marka ay musiibo ku dhacdo dadkaas ayuu hormuud iyo imaan u yahay nabiyu-laahi Ayuub ﷺ. Nabiyu-laahi Ayuub ﷺ qisadiisu waxay laab qaboojin iyo sabirsiin u tahay qofkasta oo muslima oo masaaib waawayni ay ku dhaceen aduunyada inta uu joogo. qisadan nabi ayuub Wuu caafimaad qabay, Qurux iyo caafimaad buu ku raaxaysanayay. Markaasaa xannuun loogu bedalay. Maal qabeen buu ahaa xoolo badan haysta faqri iyo fara madhnaan buu mar qudha xoolii kasoo istaagay. Reer Buuxa buu lahaa , Xaas buu lahaa awlaad buu lahaa. Ubadkiisii oo dhan ayaa dhintay wuxuu noqday qof bilaa carruur ah. laakiin wuu sabray sabir aad u qurux badan ilaahay kama uu caban . qadarka uma cadhoon, wax khaldan kuma hadal arintaasina sabab uma ay noqon in ilaahay SWT sharcigiisa uu khilaafo. Bal intaaba arin kale oo sadexaad,oo dhibaato ah ayaa u wehelisay. Arintaas oo ah dadkii ka ag dhawaa,oo dhan markuu xoolaa haystay ee quruxda badnaa, markuu xannuunsaday,ee faqiir uu noqday ee bilaa ubad uu noqday dhamaantood waa ka yaaceen . inay la joogaan oo ay rogrogaan oo ay caawiyaan way u adkaysan waayeen, maalinba midbaa ka tegaayay. laba nin oo walaalihii ah iyo xaaskiisii mooyaane dadkii cidi kagama ay soo hadhin. Nabiyu-laahi Ayuub ﷺ wuxuu ka mid ahaa,anbiyada uu ilaahay SWT uu ku maamuusay, waxyiga illaahayna taa quraanka waa ku sheegay. Rabi SWT waaka yidhi surah: An-nissa ayah 163 : إِنَّآ أَوْحَيْنَآ إِلَيْكَ كَمَآ أَوْحَيْنَآ إِلَىٰ نُوحٍۢ وَٱلنَّبِيِّـۧنَ مِنۢ بَعْدِهِۦ ۚ وَأَوْحَيْنَآ إِلَىٰٓ إِبْرَٰهِيمَ وَإِسْمَـٰعِيلَ وَإِسْحَـٰقَ وَيَعْقُوبَ وَٱلْأَسْبَاطِ وَعِيسَىٰ وَأَيُّوبَ وَيُونُسَ وَهَـٰرُونَ وَسُلَيْمَـٰنَ ۚ وَءَاتَيْنَا دَاوُۥدَ زَبُورًۭا Illaahay waxa uu ku daray anbiyadaas, uu u waxyooday. Ee nabi muxamed ﷺ ka horeeyay ee ilaahay nabigeena ﷺ uu u sheegay inuu tusaale fiican ka dhigto . nabiyu-laahi Ayuub ﷺ Dhinac kale hadii laga eego xaga nasabka iyo abtirsiinta wuxuu ku abtirsanaayay, ama uu kasoo jeeday, nabigii ilaahay ee imaamka muwaxidiinta ahaa Abu-anbiyaana ahaa waa nabiyu-laahi ibraahim cs . ilaahaybaa wuxuu Yidhi : وَوَهَبْنَا لَهُ إِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ ۚ كُلًّا هَدَيْنَا ۚ وَنُوحًا هَدَيْنَا مِن قَبْلُ ۖ وَمِن ذُرِّيَّتِهِ دَاوُودَ وَسُلَيْمَانَ وَأَيُّوبَ وَيُوسُفَ وَمُوسَىٰ وَهَارُونَ ۚ وَكَذَٰلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ[ الأنعام: 84] Nabi ibrahim cs buu ilaahay ka waramayaa, Nabi ibrahim cs waxaanu u hibaynay. Ayuu ilaahay yidhi: Nabi-isaxaaq iyo Nabi-yacquub. labadoodaba waanu hanuuninay. Nuuxna waanu hanuuninay buu ilaahay yidhi hortii nabiyu-laahi nuux nabi ibrahim waa ka horeeyay . nabi ibraahim CS tafiirtiiisi, waxaa ka mid ahaa iyo faraciisii: Daa’uud,Sulaiman,Ayuub ,Yuusuf,Mussa,haaruun.Dhamaantoodna waxa ay ahaayeen duriyadii nabi ibrahim ﷺ. Qisada nabigan ilaahay,Ee Ayuub cs quraanka,laba meeelood baa lagu sheegay. oo isu macna dhow,suurada anbiya ilaahay SWT wuu ku sheegay : ۞ وَأَيُّوبَ إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُ أَنِّي مَسَّنِيَ الضُّرُّ وَأَنتَ أَرْحَمُ الرَّاحِمِينَ[ الأنبياء: 83] Nabi ayuub qisadiisii xus baa nabiga lagu yidhi , waqti uu rabigii u dhawaaqay isga oo dhibaataysan ilaahayna uu ku beryay xaaladaa adag ee uu ku jirro { Ilaahaw dhibaataa i taabatay buu yidhi Adiguna kuwa naxariista ka u naxariis badan baad tahay , ilaahow dhibka iga dulqaad. } فَاسْتَجَبْنَا لَهُ فَكَشَفْنَا مَا بِهِ مِن ضُرٍّ ۖ وَآتَيْنَاهُ أَهْلَهُ وَمِثْلَهُم مَّعَهُمْ رَحْمَةً مِّنْ عِندِنَا وَذِكْرَىٰ لِلْعَابِدِينَ[ الأنبياء: 84] Ilaahay wuxuu yidhi ducadii waanu ka aqbalnay dhibaatadii haysatayna waanu ka faydnay , caruurtiisii uu waayay ayaanu siinay walibana waa loo laban laabay oo intii hore ee markii hore tiradoodu ahayd oo laba lagu dhuftay bay noqdeen , Arintaasi waxay ku timid naxariis xagayagaka ahaatay ayuu yidhi Alle wayne SWT, waxayna waano iyo cibro u tahay iyo mid wax lagu qaato oo wax lagu xasuusto adoomaha ilaahay caabuda ee saalixiintaa ee toosan . Markale ilaahay Qisada nabiyu-laahi Ayuub cs wuxuu ku sheegay surrah sad isaga oo nabigeenii muxamed ﷺ la hadlaaya rabi wuxu yidhi : وَاذْكُرْ عَبْدَنَا أَيُّوبَ إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُ أَنِّي مَسَّنِيَ الشَّيْطَانُ بِنُصْبٍ وَعَذَابٍ[ ص: 41] waxaad Xustaa nabigii ilaahay , adoonkii ilaahay ee ayuub cs waqti uu dhawaaqay isaga oo ilaahay swt baryaaya . { shaydaanbaa dhibaato iyo cadaab i taabsiiyay buu yidhi }, dhibaatadii ku dhacday iyadoo ilaahay uu qadaray,hadana ilaahay SWT umuu tiirinOo adaabta ayay ka mid tahay taasi. nabigeenuna ﷺ waa ka yidhi والشر ليس إليك sharka iyo xumaanta ilaahow adiga laguuma soo tiiriyo , waa laga edebsadaa rabi SWT . ارْكُضْ بِرِجْلِكَ ۖ هَٰذَا مُغْتَسَلٌ بَارِدٌ وَشَرَابٌ[ ص: 42] Ilaahay wuxuu yidhi waxaanu ku nidhi lugtaadaa diciiifka ah e taagta daran , dhulka ku dhufo halkaa aad ku dhufatay waxaa ka soo bixi doona biyo Qabow oo ay tahay inaaad ku maydhato aad cabtona . وَوَهَبْنَا لَهُ أَهْلَهُ وَمِثْلَهُم مَّعَهُمْ رَحْمَةً مِّنَّا وَذِكْرَىٰ لِأُولِي الْأَلْبَابِ[ ص: 43] Ilaahay wuxuu yidhi waan u soo celinay ubadkiisii iyaga in leegna waanu ugu darnay ‘Bal u fiirso ” Arintyaasi u jeedadeeda ama sababteedu waaxay.: kow waa raxmad ilaahay bay ka dhalatay . Laba ilaahay wuxuu doonayay inay cibro iyo waano u noqoto dadka caqliga u saaxiibkaa. وَخُذْ بِيَدِكَ ضِغْثًا فَاضْرِب بِّهِ وَلَا تَحْنَثْ ۗ إِنَّا وَجَدْنَاهُ صَابِرًا ۚ نِّعْمَ الْعَبْدُ ۖ إِنَّهُ أَوَّابٌ[ ص: 44] Waxaanu ku ogaanay buu ilaahay yidhi Adoon ilaahay oo sabra ,نِّعْمَ الْعَبْدُ ۖ إِنَّهُ أَوَّابٌ Alla adoonku wanaagsanaa , waa mid alle u noqoshadiisu iyo toobad keenku aad iyo aad ugu badan yahay waa Nabiyu-laahi Ayuube ﷺ. Hadii aad ka heshay qisadan iyo qaab qoraalkeedaa fadlan fariin comment ah noo reeb . Qaybta laabaad halkan ka akhriso 👇👇 https://daalibulcilmi.com/qisadii-nabi-ayuub-cs-qaybtii-2aad/ Facebook WhatsApp Qisooyin islaamka iyo qisoouinka qqisada ugu layaabka badan islaamka nabi ayuubqisadii nabi ayuubqisooyinka islaamka