Qisadii Nabi Ayuub (cs) Qaybtii 3aad Abdirahman, February 15, 2024February 24, 2024 فبعث الله سحابتين، ilaahay wuxuu soo diray laba daruurood.(Qisadii Nabi Ayuub) labada daruurrood biyo ka da’i maayaan, ee midna dahab baa ka da’aya, midna fidaa ka da’aysa . daruurtii baa soo socotay, waxaana ay dul istaagtay, halkii uu qamadiga dhigan jiray. Ka dibna waxa ay ku af rogtay dahab. ilaa meeshaasi ay burqatay, oo dahabki sida biyaha oo kale uu uga dur duray . daruuuro uu dahab ka da’ayo وأفرغت الأخرى في أندر الشعير حتى فاض daruurtii labaadna halkii ama bohoshii uu dhigan jiray heeda, ayay fido ku afrogtay fi’do oo ay ku da’day. ilaa iyo godkaasi uu burqaday. nabigeenu ﷺ intaasi ayuu ka sheegay qisada nabyu-laahi ayuub cs. (Qisadii Nabi Ayuub) Waxaa raacda nabigu ﷺ wuxuu yidhi: وروى البخاري عن أبي هريرة رضي الله عنه، قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: (بينما أيوب يغتسل عرياناً، خرَّ عليه جراد من ذهب، فجعل أيوب يحثو في ثوبه، فناداه ربه، يا أيوب! ألم أكن أغنيتك عما ترى؟ قال: بلى يا رب، ولكن لا غنى بي عن بركتك). Nabiyu-laahi ayuub isagoo Maryaha iska dhigay ayuu maalin, maydhanaayay( qubeeysanayay). Adkaarta subaxiii iyo habeenkii 🤲 Qisada Lab nin oo muslim ahaa 👨🦳 waa markii danbe ee ilaahay uu caafimaadiyay, ee xoolahan danbena illaahay SWT uu siiyay. sida xadiisku sheegayo, waxaa samada kaga soo daatay ayax, dahab ka samaysan. markaas wuxuu bilaabay inuu xanxatoobiyo, ama gacamha uu ka buuxsado oo maradisii uu ku guro . (Qisadii Nabi Ayuub) Illaahay ayaa SWT la hadlay oo ku yidhi , Ayuubow kan miyaanan kaa qani yeelin? Dahab , fido iyo xoolo fara badan sownigii hore kuu siiyay maxaad ka ururinaysaa kan ? Nabiyu-laahi ayuub wuxuu yidhi oo uu ku jawaabay: Rabigayow fadiligaaga , nimcooyinkaaga iyo dheeraadkaaga kama kaaftoomi karo . (Qisadii Nabi Ayuub) Nabiyu-laahi Ayuub عليه أفضل الصلاة وأتم التسليم Qisadiisaasi sidaad arkaysaan, waxaa ka muuqata, inta aan la imtixaamin ka hor inuu ku jiray nimco aad iyo aad u wayn, iyo nolol aad iyo aad u wanaagsan. Oo ilaahay uu isugu daray awlaad iyo maal, ehel iyo qaraabo , taasina ay sababtay inay had iyo jeeraale, dadku isaga ka ag dhawaadaan . Alle SWT adoon ciqaabkiisa waxba kuma falayee, balse ilaahay wuxuu doonay SWT inuu imtixaamo. Xoollahii oo dhanbuu illaahay SWT ka saaray, awlaadiisii oo dhan ayaa dhimatay. xanuun aad u daran oo jidhkiisii wada gaadhayna, wuu ku dhacay . dadkii markuu nimcaysnaa, ku soo uruuri jiray ee had iyo jeerna ag joogi jiray oo dhami way ka yaaceen. oo waa ka tageen . waxaa ku soo hadhay xaaskiisii oo wanaagii ka dhaxayn jiray, iyo nimcadii ay isla soo mareen iyadu aan ilaawin. iyo laba nin oo ka mid ahaa kuwii asaxaabtiisa kuwii khayrka iyo wanaaga badnaa, ee akhlaaqda iyo dhaqanka wanaagsan, ilaahay SWT uu ku arsaaqay . saaxiibka runta ah iyo saaxiibka, iska keen keenka ahina markaas oo kale ayay, kala baxaan. oo saaxiibka runta ahi waa ka ku garab istaaga, ee aan kaa tagin marka dhibaatadu, ay kugu dhacdo. laakiin ka marka aad ladan tahayna saaxiibtaa ku haya ee ku dhinac socda ee ku garab taagan. mar alaaliyo marka ay dhibaato iyo musiibo ay kugu dhacdona, noqonaaya mid aydaan is aqoon oo kale. kaasi maaha saaxiib wanaagsan. labadaa nin markaa waa ay caawin jireen sida xadiiska ka muuqata, subixii iyo galabtii ayay u tagi jireen. markii danbena sida xadiiska ka muu qata waa ka midkood yidhi, nabiyu-laahi ayuub denbi wayn buu galay, oo waxan sabab ugu noqday. nabiyu-laahi ayuub ﷺ arintaasi qalbigiisa, ayay taabatay. horta waa is bari yeelay, ilaahay siduu u wayneeyn jiray ee xaqiisa u ilaalin jirayna, waa sheegay. waxa kale oo arintaasi, ay ku keliftay markii hore sida muuqata wuxuu go’aan saday dhibtadaasi, inuu ku sabro. waana sabir kaamila sabirka noocaas ah ee aanu qofku dawona raadsan, xataa aanu dhibaatada ka ducaysan. Dhibaatadaa lafteeda ayuu u adkaysto oo u sabray si uu u gaadho darajada saabiriinta. Amaba kuwa sabirka dhamaystiran sabraa darajooyinka ay gaadhaan. laakiin hadalka noocaas ah qalbigiisa aadbuu, u raadeeyay, ilaahay buu u jihaystay SWT xagiisa. Afka oo qudha ilaahay kama baryin bal’e ilaahay SWT Qalbiga iyo carabka labadaba waa ka baryay. illaahay wuxuu waydiistay inuu dhibaatadaa ka dulqaado . ilaahay SWT wuxuu ugu tawasulay nabiyu-laahi ayuub laba arimood : Arinta Koowaad (Qisadii Nabi Ayuub) waa ilaahay waa u dan iyo xaajo sheegtay. dhibaatada daran ee haysata iyadoo ilaahay ogyahay, oo cid ka ogi aanay jirin. ayuu hadana sheegay isaga oo ilaahay ugu tawasulaya. waxyaaaha ilaahay loogu tawasulo waxaa ka mida xaalada adag, ee qofku uu ku jiro. Siduu yidhi nabiyu-laahi mussa : رَبِّ إِنِّي لِمَا أَنزَلْتَ إِلَيَّ مِنْ خَيْرٍ فَقِيرٌ ilaahow wixii aad khayr iyo wanaag ii keento, aad iyo aad baan ugu baahanahay, oo faqiir aan ugu ahay. Arinta Labaad (Qisadii Nabi Ayuub) waxaa kale oo ilaahay uu ugu tawasulay, ilaahay inuu ku amaanay sifaadkiisa, waliba sifada raxmada oo halkan munaasiba. adoonka dhibaato adag marka ay haysato . أني مسني الضر وأنت أرحم الراحمين Waa duco qalbiga ka soo go’day Aadaabta ducaduna, ay ku jirto oo ay ku kulansantahay. illaahay baaa SWT sida aayaadkaa aynu akhrinay ku taala ducadii ka ajiibay فاستجبنا له buu yidhi illahay SWT dhibaatadii buu alle SWT ka dulqaaday. weliba waqti yar oo kooban sidaynu xadiiska nabiga ﷺ ku aragnay . Wax ilaahay cajsi galiyaa oo ilaahay uu kari waayaana ma jiro waana علیٰ کل شئ قدیر wax walba kare . Nabiyu-laahi Ayuub عليه أفضل الصلاة وأتم التسليم ilaahay SWT waxa uu ku shaafiyay, ducadaasi, ilaahay uu baryay. taasina waxa ay muujisay ducada iyo baryada ilaahay la baryaa, waa sababta ugu wayn, ee ilaahay adoomahiisa ku shaafiyo. waana dawada ugu raadayn og, ee ugu xeesha dheer, ee uu isticmaalo qof xanuunsanaya oo buka. Waliba ducada qofku isagu uu ducaysto, taas ayaa ka xeel dheer kana fadli badan, ta ay dadka kale u duceeyaan. ilaahay ayaana quraanka kariimka ah ku yidhi : أَمَّن يُجِيبُ ٱلۡمُضۡطَرَّ إِذَا دَعَاهُ وَيَكۡشِفُ ٱلسُّوٓءَ Qofku markuu dhibaataysan yahay, ducadiisu waxay aad ugu dhowdahay inuu ilaahay SWT ka aqbalo. sidaa darteed nabiyu-laahi Ayuub ilaahay baa ducadii ka aqbalay. waxa kale oo uu ilaahay SWT shifaagiisaa, sabab muuqata uga dhigay, biyahaa qabaw ee uu ilaahay yidhi ku maydho oo cab . Biyuhuna waa dawooyinka ugu qiimaha badan, ayay ka mid yihiin. gaar ahaana, biyaha samada ka soo daga, ee dhulka aan galin. waa biyaha xareeda ah’e. oo qur’aanka iyo biyaha dahuurka ah ee samada ka soo dega, iyo malabka, sadexdaaba ilaahay SWT wuxuu sheegay inay yihiin shifaa. saxaabada qaarkood رضوان الله عليه markay xannuunsadaan, saddexdaas uun bay isku darsan jireen. markaas ayaa la shaafin jiray oo ilaahay SWT xanuunka, ka dulqaadi jiray . Sidoo kale Waxaa jiray nadar uu ku nadray, ama Wacad uu maray, nabiyu-laahi ayuub ﷺ Markii uu xannuunsanayay. sida muuqata maalin uu xaaskiisii ka cadhooday ayaa uu ku nadaray ama wacad ku maray, xaaskiisa boqol jeedal inuu ku dhufto. Markii uu ilaahay shaafiyay, xaaskiisii waa qof wanaagsan. oo dadkii kale oo dhan markii ay ka tageen iyadu aan ka dul dhaqaaqin. ee marwalba ku garab jirtay oo caawinaysay. Nabiyu-laahi ayuub ﷺ sida aynu dareemi karno, waa arin adag qofkii sidaa ku ahaa. inuu jeedaliyo markii uu bogsaday, ee xoogisii iyo quruxdiisii u soo noqotay. Inuu uu yidhaahdo soo dhigo boqol jeedal baan kugu dhufanayaaye. faraj labaad buu ilaahay SWT u furay oo arinkaasu, ilaahay ka khafiifiyay culayska ku hayay . Rabi SWT wuxuu amray, boqol jeedal oo uu xaaskiisa, uu ku dhufan lahaa inuu qaato, laan faraaro badan leh. oo geedka timirta laga jaray. Ka dibna hal mar uu ku wabsiiyo. XAaaskiisa markaana uu noqdo, Mid nadarkii ilaahay oofiyay, xaqii ilaahayna guday. xaaskiisii wanaaaga badnayd, ee sidaa ugu soo samirtayna, aan dhibaatayn, oo aan xanuujin . Qaybta 4aad la soco dhawaan ! Facebook WhatsApp Qisooyin islaamka iyo qisoouinka qnabiyu-laahi ayuubqisada nabiyadaqisada ugu layaabka badan islaamka nabi ayuubqisadii nabi ayuubqisooyinka islaamka