Nabiyu-laahi ayuub qiso (cs) Qaybtii 2aad Abdirahman, February 13, 2024February 24, 2024 Nabigeenii muaxamed ﷺ Qisadaasi Ayuub wuu ka waramay iyadoo waliba faahfaahin intaa quraanka lagu sheegay ka badan wadata. Wuxuu yidhi Anas Binu-maalik : Nabiyu-laahi ayuub إن نبي الله أيوب صلى الله عليه لبث في بلائه ثمان (عشرة) سنة Nabiyu-laahi ayuub Dhibaatadaasi ku dhacday oo xannuun leh, oo faqri leh oo ubadkiisii oo uu waayay leh. ilaa ay sheegaan mufasiriintu Xannuunku inaanu badbaddin, Xubin Xubnahiisa ka mida. marka laga reebo qalbiga, oo uu wax ku kala garanayay. oo garaadkiisu ku joogay, iyo carabka oo rabi SWT uu ku xusaayay oo rabi uu ugu cibaadaysanaayay. mudadu inay aad u dheerayd, buu sheegay nabiguﷺ. sideed iyo 10 sanadood buu imtixaankaa, ku jiray. maaha maalin, maaha bilo, maaaha todobaad, maaha sanado koobana maaha. Waxaa iskaga tagay oo inay caawiyaan iyo inay ag joogaan diiday. dadka kuwii u dhawaa iyo kuwii ka fogaa laba nin oo walaaladii kamida mooyaane. galabtiina mar bay u iman jireen subaxiina mar bay u iman jireen . sida qisada xaga danbe kaga jirta xaaskiisu iyadu kama ay ag taginba mar walbana iyadu way dul joogtay. laakiin labadan nin subixiina mar bay u iman jirreen. galabtiina mar bay u imaan jireen.iyaga laftoodii baaa daalay markii waqtigii, uu aad iyo aad u dheeraaday . labadii nin midkood baa maskaxdii aad uga shaqaysiiyay oo wuxuu is waydiiyay adoonkan ilaahay ee muddada dheer dhibaatadu haysatay tollow muxuu sameeyay. Arintani denbi la’aan may dhicin buu maskaxda gashaday. midkoodbaa kii kale wuxuu ku yidhi: ayuub wuxuu danbaabay denbi axad khalqiga ilaahay ka mida aanu danbaabin. hadii kale maxaa sidan loogu galay . oo arintaa xagaad kala timid buu yidhi maxaa sababay inaad sidaa tidhaahdo .? wuxuu ku jawaabay 18 sanadood, ayaanu ilaahay u naxariisan oo dhibaatadaa haysta aanu ka dul qaadin. taasbaa daliil iigu ah denbi wayn oo isaga mooyee cid kale oo gashay aanay jirin inuu galay. Goor galabnimo ah markay u tageen, nabiyu-laahi Ayuub. Ayaa kii warka loo sheegay warkaa waa qarin kari waayay. oo waa xejin kari waayay, nabi ayuub buu u sheegay. waa dhibaato kale, adoon ilaahay oo sidaa u dhibaataysan. oo hadan dadki ay leeyihiin, waxaas waxaa u sababay denbi wayn oo uu galay. nabiyu-laahi ayuub wuxuu yidhi: wallaahay waxaa aad sheegaysaan, anigu waxba kama ogi. wuxuu sheegay, dabeetona inuu danbi galo daaye inuu ahaa adoon wanaagsan. siduu nabiguba ﷺ u sheegtay wanaagiisa markii ay yaraysteen. 3dii saxaabi camalka nabigaﷺ. wakii lahaa walahi anaa ilaahay idiinku alle ka cabsi badan. waana ay banaan tahay inaad waxaad tahay sheegato marka aanay istusnimo kaa ahayn . Taas oo kale uun buu sameeyay nabyu-laahi Ayuub Wuxuu yidhi: wuxuu ilaahay ogayahay laba nin oo muransan inaan soo mari jiray فيذكران الله ilaahay bay SWT soo hadal qaadi jirreen. oo illaahay SWT baa sidaa igu ogyo iyo in illaahay SWT lagu dhaarto, iyo illaahay SWT bay soo hadal,qaadi jireen. فأرجع إلى بيتي فأكفر عنهما،gurigayga ayaan ku noqon jiray. sadaqad baan bixin jiray aan kafaara gud uga dhigaayo. Hadii magacaa ilaahay SWT ay been ku soo hadal qaadeen,oo maxaa ku kalifaaya isagu ma samayn wax kafaaro ku waajibiya’e. كراهية أن يذكرا الله إلا في حق Waxaa sidaa igu kalifaaya,inaan aad u nacaayay,oo aan aad u dhibsanaayay in ilaahay SWT lagu soo hadal qaado, waxaan xaq ahayn. waxaan run ahayn . in illaahay SWT la markhaati gashado, ama lagu dhaarto iyadoo been la sheegayo. ama dulmi lagu socdo arintaasaan dhibsanaayay buu yidhi. adoomaha ilaahay SWT weeyneeya ee xaqiisa aadka u yaqaana ayuu tilmaamay . Wuxuu yidhi nabigu ﷺ gabadhiisaa garab geli jirtay oo halka uu ku soo xaajo gudanayo ayay u kaxayn jirtay. markaa musqulo, iyo waxaas may jirin. فإذا قضاها أمسكت امرأته بيده حتى يبلغ.markuu xaajo, guto gabadhiisa ayaa gacanta,soo qaba jirtay. oo soo luudin jiratay, ilaa ay soo gaadhsiiso,halkii uu jiifay. markuu xaajo gudanaayo, sida qisada ku cad. لما كان ذات يوم أبطأ عليها، may dul istaagi jirin ee way ka hadhi jirtay. taasina waxay ka mid tahay aadaabta , ka dib markuu xaajada dhamaysto ee uu kaco ayay soo kaxayn jirtay. maalin maalmaha, ka mida ayuu habsaamay. oo uu dib dhacay oo sooba kici waayay,ilaahay baa SWT u waxyooday sow. وأوحى الله تعالى إلى أيوب عليه السلام، أن: ارْكُضْ بِرِجْلِكَ ۖ هَٰذَا مُغْتَسَلٌ بَارِدٌ وَشَرَابٌ[ ص: 42] illaahay SWT ayaa, u waxyooday.ilaa waa nabiye oo ku yidhi “lugtaada ku dhufo, halkaa biyo qabaw ayaa ka soo bixi doona. ku maydho oo cab. Intaasaana ilaahay sabab uga dhigay shifaagiisa markii ducadii laga yimaado. intaas ayaa sabab u noqotay”. markaa way raagsatay islaantii, فأقبل عليها،halkii ay ku ogayd bay eegaysay, oo indhaheeda ayaa ku dhacay isaga oo soo socda. قد أذهب الله ما به من البلاء، iyadoo ilaahay SWT uu ka kaxeeyay wax alaala waxii imtixaan haystay . markaa wuu bogsaday,oo xoog buu noqday,quruxdiisii baa u soo noqatay.waqtigii uu caafimaadka qabay,waqtigii uu ugu quruxda badnaa, ayuu ku noqday. ilaa ayba garan wayday, islaantiisi waaba ay u qaadan,waydayba. intaa yar ee uu kaa maqnaabuu,sidaa ugu bogsaday,oo sidaa isagu bedalay. laakiin ilaahay awoodiisa,ayay taasi ku dhacaday.ilaahayna waa awoodaa dhibaatada adoonka haysta mudadaa iyo mid ka yarba inuu kaga dul qaado. walow dhibaatadu, ha noqoto mid mudo dheer adoonka haystay e. gabadhii markii ay aragtay,waxa ay tidhi iyada oo nin kale moodaysa,أي بارك الله فيك ninkaaganow ilaahay ha ku barakeeyee. هل رأيت نبي الله هذا المبتلى. Halkaa aad ka timid miyaad ku aragtay,nabigii ilaahay ee la imtixaamay.hada nin kale ayay moodaysaa isagiiba uma ay haystato . فوالله على ذلك ما رأيت رجلاً أشبه به منك,waxay tidhi walaahay aniga,oo aan isagii kuu haysan,oo nin kale uun kuu haysta.qof adiga kaaga eeg maan arag,markii uu caafimaadka qabay. قال: فإني أنا هو Mid kaleba ma ihi,ee laftiisii baan ahay.waa nabigii ilaahay ee ayuub ee la imtixaamay,wuxuu yidhi nabiguﷺ: laba bayndur buu lahaa,bayndarku ama andarku waa meesha raashinka,lagu wadho.ندر للقمح، وأندر للشعير,mid uu ku wadho heeda iyo miduu ku wadho qamadida . qaybta sadexaad Halkan ka Akhri: Qisadii Nabi Ayuub (cs) Qaybtii 3aad Facebook WhatsApp Qisooyin ayuub csislaamka iyo qisoouinka qnabiyu-laahi ayuubqisada nabiyadaqisada ugu layaabka badan islaamka nabi ayuubqisadii nabi ayuubqisooyinka islaamka