Qiso Gabdhii Nabiga Arki jirtay Habeen walba (Riyo) Abdirahman, April 28, 2024April 28, 2024 الحمد لله رب العالمين، والعاقبة للمتقين، ولا عدوان إلا على الظالمين، وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له أما بعد ﷽ Qiso , Qisadan waxaa ka Sheekaynaya Sheikha , Qaariga wayn ee Cabdirashiid Sheikh cali suufi waxaana uu ku bilaabay sida tan: Waxa uu yidhi gabadh ayaa Maraykanka, igala soo Hadashay. waxa ayna igu tidhi hadal cajiiba, waxa ayna tidhi sheikh bal ii soo ducee beryahan nabigii csw ma arkin’e. markaas ayuu sheikhu ugu jawaabay oo miyaad nabiga arki jirtay.? waxa ay tidhi haa habeen walba, waan arki jiray. laakiin maal mahan maan arkin ee kurbaa i haysatee ii soo ducee sheikh. wuxuu yidhi sheikhu alle ha xifdiyee Anigayga ay i waydiisanayso ducada ma haysto nimcada in nabiga aan habeen walba arko. waxa ay noqotay inaan anigu ka faa’idaysto gabadha. wuxuu su’aalay maxaad samaysaa oo nabiga habeen walbo aad ku aragtaa aan sameeyee ? wuxuu ku jawaabtay Nabiga csw saligiisa ayaan Badin jiray , wuxuu dhahay markaa waxaa iiga muuqatay inay 10,kun iyo ka badan nabiga ay ku saliso csw. Markaa wuxuu sheegay inay yar mashquushay oo ay ka yaraysay cadadkii ay ku saliyi jirtay ka dibna ay riyadii halkaa ku wayday. u fiirso weliba gabadhu waxay joogtaa wadan gaal , gaalo wadan ma leh ee dhulka alle ayaa lehe waa meesha ay gaaladau u badan tahay weeye. sheiku wuxuu leeyahay Dhulka oo dhan alle ayaa iska leh, meel kasta oo aad rabigaa ku baratana , oo aad nabigaaga csw aad cilaaqo la yeelatona way kuu hir galaysaa. markaa saliga nabiga inaan badino csw ayaa la inaga doonayaaa , alle swt ha ina waafijiyo inaan dikrigiisa iyo xuskiisa aan mar walba ku mashquul sanaano. Qisadii nabi ayuub Qiso Ku cibro qaaasho 2 nin sheikhu waxa uu yidhi , waxaan idiin dardaarmayaa naftayda u dardaarmayaa Alle swt ha idin waafijiyee anigana ha i waafijiyee , waxa ugu wayn ee alle ina siiyay waa quraanka. Quraanka ilaahay waa inaan wardi ka yeelano oo aynaan ka tagin , ugu yaraan qofka Yaqaan quraanka ee aan xaafidka ahayn , jus Akhri maalinkii , bishiina hal mar dhamee. waa kalaamu laah waa hadalkii alle swt wax ka wayn ma jir, hadaan fariid noqoto oo aad 2 jus akhridana oo bishii laba goor dhamaysana waa caadi. Facebook page Dadka iyagu Khawaasta ah ee quraanka xifdiyay Ama soo maray dugsi iyagu waa in ay ka badiyaaan Sadex jus waa in aanay ka yaraanin. Hadii usbuucii aad mar quraanka dhamayn kartana waa nimco wayn weeye. Taa hadii uu alle swt uu ku waafijiyo waxaa kuu dhiman adkaarta kale inaad badsato oo saliga nabaiga csw iyo Astaqfaartu ka mid yihiin. salaatul laylka Salaatu Duxaa umuurahaas oo dhan, inaad ka dhigato inaad isku xukunto. in aynu guryaheena aynu ka samaysano Xalaqatul-tacliim aynu ilaahay isku xasuusinayno oo aynu ugu dikriyayno. maxaa yeelay wax kasta Guriga waqti ayay leeyihiin , dikriga allena swt in dikri loo sameeyo. waxaan shaki kujirin mashaakilka guryaha ka taagan sida: dhibaatooyinka ninka aiyo gabadha ku dhaca , Caruurta Hooyodood iyo aabahood caaq ku noqda waxaa aasaas u ah Xalaqatul Tacliim gurigii ma leh. waa in guriga malaa’ig la soo geliyaa , malaa’igtuna xalaqatul tacliim ayay guriga ku soo gelaysaa . Facebook WhatsApp Qisooyin